UCID Oo Xukuumadda Ka Dalbaday Inay Caddayso Waxa Iska Beddelay Ballan-qaadkii DP World Ee Taageerada Adeegyada Bulshada
Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Xukuumadda u soo jeediyey inay Shacabka u soo bandhigto Sababaha Shirkadda Maamusha Dekedda Berbera ee DP World u fulin waydey Ballan-qaadyadeedii ahaa inay sannad walba Lacag ku bixin doonto Horumarinta Adeegyada Bulshada Gobolka Saaxil, sida Cisbitaalka Berbera, Dugsiyada Waxbarashada iyo Waxyaabaha kale ee la midka ah.
Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo hadda ah Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo Shalay kulan la yeeshay Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa kulankaa ka dib hadal uu Saxaafadda siiyey wuxuu sheegay in ballan-qaadyadii DP World ee ahaa inay adeegyada Bulshada Saaxil gelinayso sannad kasta lacag dhan 2 Milyan oo dollar aanay illaa hadda meelna ka muuqani, sidaa darteed Xukuumadda looga baahan yahay inay Caddayso waxa ka iska beddelay ballan-qaadkii shirkadda DP World.
Mr. Ramaax oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “DP World dabagalkeedii baa lagaa rabaa, labadii Milyan ee sannad walba la gelinayey dhakhtarka Berbera kama muuqato, waxbarashadii kama muuqato, biyihii kama muuqato, Adeegyadii Ummadda loo ballan-qaaday hadduu DP World ka yimidna Mashaariic cid kale fulisay in lagu tilmaamo maaha, halkay mareen.”
Xoghaye Ramaax waxa kale oo uu ka hadlay Deyn dhan 80 Milyan oo la sheegay in Xukuumaddii hore ee Kulmiye ku wareejisay Xukuumadda cusub “Wasiirkii hore ee Maaliyadda Samsam ay Xilka ku wareejinaysey Deyn may sheegin, Wasiirkii xilkii kala wareegay muu odhanin Deyn baan la wareegay, waxa inoo wad Cad in Deyn 80 Milyan ah ayaa taalla oo inoo wada Cad sida Wasiirka Maaliyadduba Shalay caddeeyay, laakiin aanay Caddayn Deyn uu Wasiirkii hore la wareegay, sidaa daraadeed ma marmarsiiyo ayaa looga dhiganayaa Qufulkan, waa inuu Caddeeyaa Wasiirka Maaliyaddu halka Deyntaa laga qaatay, Cidda lagu wareejiyey iyo wixii ay ku baxday, ummaddu xaq bay u leeyihiin in loo Caddeeyo.”ayuu yidhi.