Dawladda Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay in ay u Safraan Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqa sooranka dowladda Ingiriiska ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay uga digtay muwaadiniinteeda in ay u safraan Soomaaliya,balse ay tagi karaan qaybo ka tirsan Somaliland marka ay safaro muhiima halkaasi ku tagayaan.
Warka ka soo baxay Ingiriiska ayaa loogu baaqay muwaadiniintiisa jooga Soomaaliya in ay muujiyaan feeginaan dheeri ah, isla markaana aanay u tegin goobaha la isugu yimaado.
Digiinta ay dowlada UK u dirayso muwaadiniinteeda jooga Soomaaliya iyo kuwa qorsheynaya in ay u safraan halkaasi ayey sheegtay in ay cabsi badan ka qabto afduub iyo weeraro ay Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale muwaadiniinta British-ka ah ee ku sugan Soomaaliya ayey uga digtay dowladda Ingiriisku in ay ku safraan Maraakiibta iyo Doomaha isticmaala biyaha Soomaaliya,waxaana ay sheegtay in ay jirto halis uga iman karta kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
UK ayaa dhowr jeer oo hore muwaadiniinta ka jooga Soomaaliya u jeedisay digniino dhanka safarka ah oo ku aadan sababo dhanka amMaanka ah.