Xukunka cusub ee lagu riday Maxamed Nuur Oo ka tirsanaa booliksa Minneapolis
Maxamed Nuur oo ah sarkaal ka tirsanaa booliksa Minneapolis oo toogasho ku dilay haweeney aan hubeysneyn ayaa shalay lagu xukumay ku dhowaad shan sano oo xabsi ah.
Muddada xabsigan ayaa ah tan ugu badan ee lagu ridi karo qof lagu helay dambi dil kama’a kadib markii ay maxkamad laashay dambi dil ah oo horey loogu helay Maxamed Nuur.
Maxamed Nuur ayaa horey loogu helay dambi dil darajada saddexaad ah ah iyo dil kama’ ah oo la xidhiidha toogashadii ay 2017 ku dhimatay Justine Ruszczyk Damond, oo aheyd gabar Australian-American oo 40 jir ah.