“Waa Laga Heshiiyay Tabashooyinkii Maamul Gobolleedyada Ee Dowladda Federaalka”Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Kismaayo-(OWN)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dowladda Soomaaliya Cabdi Xaaji Cabdullaahi oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in inta badan laga heshiiyay tabashadii maamul gobolleedyada ee dowladda dhexe.

Gaar ahaan waxaa uu sheegay in hadda ay hadhsan tahay oo kaliya in si fool ka fool ah isku soo hor fadhiistaan labada dhinac si loo dhameystiro ayuu yidhi xalinta khilaafka inta ka hadhsan.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Waftigiis ayaa sacadihii la soo dhaafay kulamo la lahaa madaxda ugu sareysa dowlad gobolleedka Jubbaland, waxaana kulamadaa intooda badan looga hadlayay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Jubbaland kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Inkastoo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ka dhawaajiyay in la xaliyay khilaafka labada dhinac, haddana marka la eego Puntland waxaa sii maalmihii ugu danbeeyayba sii xoogeysanayay eedeymaha ay u jeedineyso dowladda federaalka oo sida ay mas’uuliyiinta Puntland sheegeen fara-galin ba’an ku heyso arrimaha doorashada ku soo foolka leh deegaannaddeeda.

Aqalka sare ayaa hadda u muuqda in uu mid mid u wajahayo maamul gobolleedyada oo si gooni-gooni ah la rabo in raarido sidii ay meel isaga dhiggi lahaayeen khilaafka loogu-na soo jeesan lahaa in wada jir loo wada shaqeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker