Baro Hal-Abuurka Yaxye Cabdi Cali Jaamac (Yaxye Yeebaash)

“Waxaan is waydiiyey miyaan anigu leeyahay daarahaa” ayaa dhagaheyga ku ku nafteysa ku ridey dareen xambaarsan wadani jaceyl mar aan dhageysanayey maanso dareenkayga soo jiidatey. Waxaan socdaalka isha ku kala bixinayey mareegaha dareenaygu u dabacsan yahay. Waxaan ku hakadey dhageysiga maanso cusub oo tirinayey wiil dhalinyaro ah. Maalintaasi waxay aheyd maalin aan dhulka caad badan laheyn, daruuruhu aaney helin awood ay ku qariyaan iftiinka cadceeda.
Qofba aroortiisa ku bilaw wixii naftiisu tabeysay. Aniguna dhinacaa iyo Maandeeq warkeedii raadiyey oo dhex jibaaxey dhawr mareegood oon aad u booqdo, kol hadaanan waqti u helin goobaha bulshadu ku kulanto ee laga helo wararka jira,haba ku badato buunbuunintuyee.
Isha ayaan la dul marey maqaaalo dhawr ah oo xambaarsan warar kala duwan, ka dibna kuwii ishu u bogtay ee dareenka xambaarsanaa ayaan u hawlgaley inaan dul xaadis qaarkood kula beegsado, halka aan qaar siiyey akhris xeel-dheer. Doorasashadaa waxaa hageysay fariinta ay xambaarsanaayeen iyo dareenkay qoraaladaasi la wadaagayeen nafteyda.
Kuwii aan maalintaa u bogay waxaa ka mid ahaa maanso uu tirinayey wiil dhalinyaro ah oo aanay hore ishayda wehel ugu noqon. Magac ahaana wuu igu cusbaa, maansoyahan ahaana kaba sii fogeyd. Dhawr jeer baan dhageystay maansadii si aan u hubiyo inaan si fiican u maqley, una dhuuxey, waliba dajiyey meel mudan.
Maansadani waxay xambaarsaneyd dareen dal jaceyl ah;dareen hanweyni leh;dareen aan looga baran inta badan dhalinyarada ku kacaamey Maandeeq gu’yaalkan danbe; dareen ka falcelinayey wiil dhalinyaro ah oo ku qanacsan dalkiisa hooyo;dareen diidan in Maandeeq sidaa hoos loogu dhigo;dareen ku salaysan Maandeeq oo loogu mahadnaqayo deeqaha ay siisay dhalinyaradan ku kacaamey ka dib 1991kii;dareen ka warcelinaya aqoonta durugsan ee uu wiilkani dalkiisa u leeyahay; dareen muujinaya inuu wiilkan dhalinyaadi ahi gartey in ay Maandeeq abaal gashatey.
Intaa ka dib waxaan u hayaamey inaan wax ka ogaado sooyaalka wiilkan dhalinyarada ah. Waxay ujeedadaydu aheyd inaan ku sameeyo baadhid indhaha iigu furaysa si aan iskugu xidho weedhahan mudnaanta leh ee afkiisa ka soo burqaneyey iyo sooyaalkiisa nololeed. Cilmi baadhistaa waxaan ka filayaa inay iiga soo baxdo waxa ku abuurey jeclaanta dalkiisa hooyo ee uu xiisaha u siin waayey wanaaga, quruxda, bilicda, iyo mudnaanta dalkan Norwey ee looga waramayo loona xayeysiinayo.Xilligani wuxuu huwan yahay in dhalinyaro badan oo ay Maandeeq naas-nuujisay, gaadhsiisayna meel ay iskood wax u qabsan karaan u hayaamayaan Xamar han yari awgeed iyo isbahdilid darteed uu hungurigu hagayo.
Waxaan is dareensiiyey inuu yahay wiil dalkiisa aad ula socda oo xog-ogaal u ah xaalada uu ku sugan yahay dalkiisu dalxiis ahaan, dhaqaale ahaan iyo waxbarasho ahaanba. Wiilkani dhlainyarta ahi waa Yaxye Cabdi Cali Jaamac oo aan naaneys ka qadin ee loogu ladho Yeebaash. Halkaa markaan marayey ayaa waxaa maankayga ka soo burqatey erayadii maansadii Baaq ee uu leeyahay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa

Intaan ku guda jiray aqoon raadiskaa ayaan ku dul hakadey barnaamijyo lagaga waramayo sooyaalkiisii Maanseed. Waxaa ku jirtay sababta keentay in uu hal-abuuro maansadan. Hase yeeshee aduunkii oo noqday ardaa kaliya, ayaan fariin mareegeed la tiigsadey hal-abuuraha laftigiisa. Si ay ku jirto maamuus iyo lehna milgo ayuu uga soo warceliyey waydiimihii aan la wadaagey.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ku sugnaa goob ka mid ah goobaha dhalinyarada qurbaha ka tagaa ku kulmaan ee magaalada Hargeysa. Waa hudheelka la yidhaa Summer Hotel. Wuxuu Yaxye iyo koox kale oo dhalinyaro ahi dhageysanayaan gabadh da’ yar oo ka warameysa dalka Norway oo ay ka so baqooshay degan tahayna. Waxay si la yaab leh uu maankeedu u soo burqanayaa badhaadhaha uu dalkaasi Norwey ugu deeqay bulshadiisa. Dhalinyaradii dhageysaneysay si la yaab leh ayey dhagaha ugu raariciyeen iyagoo ku ladhaya xiiso kalgacal leh oo ay naftu kolba ku leedahay meeshaasaa meel lagu noolaado ah.
Hase yeeshee waxaa qabta dareen kaa duwan nafta Illaahay ku galadey wiilkan dhalinyarada ah ee Yaxye Cabdi Cali Jaamac (Yaxye Yeebaash). Wuxuu Illaahay garansiiyey inaanu waxba ku laheyn badhaadhahaa ee uu isagu wax ku leeyahay badhaadhaha Maandeeq oo aan waxba ka hakran, hagardaamooyin badanba ha dul hogtaaneee.Waxaa maankiisu soo burqadey weedha ah “Miyaan anigu leeyahay” … Weedhaa ayaa ku xambaartey inuu Yaxye curiyo maanso dhan oo ka af-celineysa badhaadhaha Norwey ee lala wadaagey.
Yaxye Cabdi Cali Jaamac”Yaxye Yeebaash” lama odhan karo inuu dhibta Maandeeq aanu ogsooneyn ama ka warhayn, hase yeeshee wuxuu aaminsan yahay inuu qayb ka yahay kuwa la rabo inay dhibta taala hagaajiyaan, cid kalena aaney u maqneyn. Maaha dal loogu deeqay ee dal uu ku dhashay, oo uu ku koray, ku jira hantidiisa, sidaa darteed wanaagsanaanta iyo xumaanta dalka waxbuu ku leeyahay.
Yaxye Yeebaash oo ka waramaya dhibta ay indhihiisu qabtaan isagoo daawanaya sawir bilicsan oo Hargeysa iyo bilicdeeda ah ayaa yidhi: “Sidaasay wax ka yar 30 sanno jirtaa oo shalay burbur ahayd. Sidaasay haraadantahay oo bilaa waddo iyo bilaa dawlad hoose tahay. Sidaasaa wixii baloodh danguud ahaa ku daayeen. Sidaasay bilaa ictiraaf iyo bilaa adduun tahay. Hadda na sidaasay bilic u leedahay oo marti gelisaa bulsho ka tiro badan tankeeda. Dhulkani inuu barakaysanyahay oo dhul awliyo yahay intaasaa kaaga filan. Hargeysa oo tacab intan ka badan galay Ilaahay ha igu simo”. Erayadaa ka soo burqanaya garaadka Yaxye Yeebaash ayaa xusuustayda ku soo riday erayadii suugaaneed ee abwaan Cabdi Aadan Qays:
Dhuuxiyo laftaadaa Lagu dheehay kheyroo,
Weliyaa dhiskaagiyo Dhidibkaaga taagee
Hargeysaay ha dheeliyin.
-Abwaan Cabdi Qays
Intaan ku jiray baadhista sooyaal nololeedkiisa, waxaa iiga soo baxdey inuu sidoo kale Yaxye Cabdi Cali Jaamac ( Yaxye Yeebaash) ka maagey in maansooyinkiisa oo u badan bad-heeseed lagu luuqeeyo. Waxaanu sidaa u yeelay siduu sheegay inuu ka fogaado, naftiisana ka badbaadiyo goobaha lagu curiyo laxanka iyo codadka oo aan mudnaan lagu sheego laheyn, una baahan dibu-habeyn caqliyeed,diineed, iyo dhaqameed.
Mar ay la waydiiyey inuu curinta maansada u leeyahay hiddo raac iyo in kale, wuxuu waydiintaa kaga warceliyey “kolay maansadu waa hibo keentay , hawli keentay, hiddo keentay…. Qof kastoo Soomaali ahi waxaan aaminsan yahay inuu Hiddo u leeyahay sida horeba la inoogu sheegay inaynu nahay Nation of Poets”
Labada dhinac ee waalidka aabaha iyo hooyada kama uu keenin Yaxye oo hiddo raac maaha maanso curistiisu, isagoo arintaa inoo sii faahfaahinayana wuxuu yidhi : “ Aabbahay Cabdi Cali Jaamaca iyo hooyadey Yaasmiin Cabdi Yuusuf. Waa laba waallid oo aad ugu leh saamayn suugaantayda iyo hab fikirkayga ba. Walaw aanay ehel suugaaneed ahayn haddana qaabka aan u fekero badanka aan aaminsanahay in aan hal abuurka kale kaga duwanahay iyaga ayaa u sabab ah. Waa dad aqoontooda si i tus oo i taabsii le nagu baray wayaabo badan”.
2009kii ayaa ugu horeysay inuu u hinqado ama uu galo dareenka curinta maansadu. Xilligani wuxuu Yaxye Cabdi Cali Jaamac ( Yaxye Yeebaash) ka mid ahaa ardeyda dugsiga sare ee Ileys. Waxaa dhamaadey waqtigii loogu talo galey in lagu jiro dugsiga ee maalinimo. Waxay aheyd maalin maalmaha sannad dugsiyeedkii 2008-2009kii.

Wuxuu Yaxye Cabdi Cali Jaamac ( Yaxye Yeebaash) cagta saarey wadadii loo marayey gurigooda. Sidaa markuu u galey gurigii ee uu is yidhi ku yar naso qolkiisii ayuu isha ku dhuftay wargeys ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Hargeysa Waxaa ku xardhan oo si qurux badan wargeyskaa loogu soo bandhigay maansadaii Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” ee summad ahaan looga dhigay “Sirta Nolosha”. Wuxuu Yaxye bilaabey inuu akhriyo maansadaa. Siduu u dhex jibaaxayey Yaxye meerisyada maansadaa ayuu dareemay in uu ku marganayo erayo dhawr ah oo ku jiray maansadaa. Kaalmo looma waayo waxay naftu dooneyso ee loo hawlgalee, ismamuu dhibinee ayeeydii oo goobta ka dhaweyd ayuu waydiimihii uu qabey u gudbiyey oo u balbalaadhisay.
Muddo ka dib, waxaa Yaxye aad ugu dhadhantay macnaha fog ee ay meerisyadaa maansadaasi xambaarsanaayeen oo ku kalifey inuu iswaydiiyo inuu curin karo maanso midhahaa iyo macnahaa fog xambaarsan. Isagoo Yaxye ka waramaya hawlgalkiisii fahanka maansadaa Sirta Eraygana , wuxuu yidhi : “Maansadaas Sirta Nolosha si kedis ah uun baan ugu arkay jaraa’id aan u malaynayo inuu Haatuf ahaa. Garan maayo inuu taxane ahaa iyo in kale laakiin badanka ilaa haddaba jaraa’idada xaga danbe qiso ayaa lagu qoraa ama tixo suugaana. Waxa aan ahaa fasalka labaad ee dugsiga sare (Form Two). Waxaase igu qaatay ilaa muddo bil ah dhamaystirka maansada Sirta Nolosha iyo fahankeeda”.
Hase yeeshee maalin ama laba maalmood ka dib waxaa maankiisu awood u helay inuu wax curin u hawlgalo.Dadaal kooban darteed waxaa maankii yaxye ka soo burqadey meerisyada ah:
Adigoo sifir daruur arkeynin
saaxiiboow mayey ha seegin
Sidoo kale adoon
qofna keel ku seerin
ha sii filanin inaad socdaalin
Inaad raga sahal ku gaadhin
sacabkana laguu garaacin
Intaa wixii ka danbeeyey wuxuu garaadkiisu karti u yeeshay inuu maansooyin uu la wadaagi karo inta kolba ku xeeran uu curiyo. “Si teel teel ah ayay iska ahaayeen curinta ama samaynta maansooyinkaygu. Se akhrinta suugaanta soomaalida gaar ahaan ta Hadraawi ayaa joogto ii noqotay. Intii hore oo dhan koox kubadda cagta ah ayaan ku jiray, kuwaasaan u akhriyi jiray kolba tixda aan sameeyo. marna waxaan u akhryi jiray laba nin oo kursiga fasalka ila fadhiista”.
Mar aan waydiiyey dareenkiisa inuu inooga waramo
Maansadaas “Dal lahaansho” Sida ay ku soo baxdy iyo qisadeedu waxa ay la socotaa muuqaal kasta oo la duubay oo ma mariyo maansadaas ilaa aan ka sheekeeyo. Kolka sida ay ku soo baxday muuqaalka ayaa kuu raacin doona inshallah. Dareenka aan qaaday wxa uu ahaa uun dareen kalgacal, sidii waxa aan noqday qof la leeyahay beerkaaga keen beerkaagu waa foolxunyahay e. oo kan ku beddelo. Sannadka ay soo baxday waxay ahayd 2016.

La soco qaybaha danbe..
Tixraac:
Bandhiga Nimc o Samriye iyo Yaxye Yeebaash – HCTV- Published on Nov 9, 2015
Wareysi Yaxye Cabdi Jaamac “Yaxye Yeebaash” – Bahda Mareegta Farshaxan
Wareysi Yaxye Cabdi Jaamac “Yaxye Yeebaash” Star Tv

Qalinkii iyo tifatirkii :
Fu’aad Sh. Abuubaker
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker