Midowga Yurub Oo Somaliland Ugu Deeqday Gaadiid Doorashooyinka Lagaga Shaqeynayo

Midowga Yurub ayaa ka hadlay 13 Baabuur oo ay ugu deeqeen dhawaan Hayโ€™adaha Amniga iyo kuwa Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warmurtiyeed la soo baxay Midowga Yurubย  ย ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu Gaadiidkaas Somaliland u soo mariyey UNDP. Waxa ay caddeeyeen in lix baabuur loogu talo galay in Ciidanka Boolisku ka hawlgalaan lix gobol,halka baabuurta soo hadhayna la siiyey Hayโ€™adaha Garsoorka.

Safiirku Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nicolas Berlanga, ayaa sheegay EU-da ay ka goโ€™an tahay inay taageeraan Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana 13kaas Gaadhi ay u asteeyeen in lagaga shaqeeyo Ammaanka doorashada iyo la socodka iyo qabanqaabada Doorashooyinka.

Wasiir kuโ€“xigeenka Arrimaha Gudaha Naasir Caydiid Maxamed, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub waxaanu sheegay inay Gaadiidkaas lagaga shaqeyn doono sugida Nabadgelyada Doorashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker