Dhageyso: Wiilkii xaaskiisa ku dul ooyey arooskiisa oo wareyso xiiso leh bixiyey
Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku dul ooyey xafladdii arooskiisa ayada oo dadka qaarkood ay sheegeen inuu la ooyey “jaceylka uu xaaskiisa Ilhaan u qabo”.
Sadiiq Cabdinaasir oo wareysi siiyey BBC Somali ayaa sheegay inuu la ooyey farxad darteed iyo hanashada xaaskiisa.
“Qof walbo bini’aadam ah oo qalbi leh maalin ayuu ooyaa, waxaan la ooyay farxad darteed, sida ay qoyskeeyga uga soo qeyb galeen xaflada arooskeyga iyo inaan hantiyay qofkaan dunida ugu jeclaa”, ayuu yiri Sadiiq Cabdinasir oo BBC-da la hadlay.
Waxay ahayd habeen xasuus ku reebtay dadka ka soo jeeda gobolka Mudug oo arrintan siyaabo kala duwan uga falceliyay qaarkood ayaa waxayba aaminsanihin in reer Mudug ay yihin dad aanan lagu aqoonin calool jileec.
Halkan Ka Dhegeyso
https://www.youtube.com/watch?v=fI2dZAGjy5A