Ururka Bisha Cas ee Kenya Oo Sheegay In La Helay Dhammaan Dadkii Lagu Waayey Weerarkii DusitD2

Nairobo(OWN)-Ururka Bisha Cas ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in la helay dhammaan dadkii lagu weysanaa weerarkii lagu qaaday dhismaha Dusit2D ee magaalada Nairobi.

Saraakiil u hadashay hay’adan ayaa waxa ay sheegeen in ay heleen akhbaarta dhammaan 94 ruux oo markii hore lagu la’aa weerarkii lagu qaaday hotelka ku yaal magaalada Nairobi.

21 ruux ayaa la sheegay in lagu diley weerarkan ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen gelinkii dambe ee Talaadadii mid kamid ah dhismooyinka waaweyn ee magaalada Nairobi.

Dableyda weerartay hotelka ayaa la shaaciyay in la wada diley kadib dagaal socday muddo 20 saacadood ah oo ay kala horyimaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka Kenya Arbacadii shalay ahayd.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay gelinkii hore ee Arbacadii in weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday 14 Riverside Drive la soo afjaray,lana diley dhammaan kooxdii weerarka geysatay.

Illaa 700 oo ruux ayaa laga soo badbaadiyay dhismahan tan iyo markii uu weerarku ku bilowday Talaadadii socdayna illaa iyo gelinkii hore ee Arbacadii .

Wasiirka Arrimaha  Gudaha Kenya Fred Matiang’I ayaa sheegay in dalka Kenya uu ammaan yahay,waxana uu ugu baaqay shacabka dalkaas inay howlahooda si caadi ah u wataan.

Xigasho;DailyNation

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker