Red Cross Oo Sheegtay In 50 Ruux Lagu La’yahay Weerarkii Dusit Nairobi.

Nairobi-(OWN)-Iyadoo ay saacado ka soo wareegtay markii weerarka lagu qaaday Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa soo baxaya walaac laga qabo tirada qasaaraha ee ka dhalatay.

Agaasimaha hey,ada laanqeyrta cas mudane Cabaas Guuleed ayaa sheegay in 50 qof oo ku sugnaa dhismaha wali la la’yahay.

Mr Guuleed ayaa sheegay in ay ku raad joogaan baadi goobka dadkaan raqdooda iyo ruuxdaba.

Dadkaan ayaa ku sugnaa markii uu dhacay weerarka dhismaha hotelka waxaana la ogeyn in la dilay iyo Inkale.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo shacabka Kenya ay shaki Ka muujinayaan in 14 ruux ay ku dhinteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker