Maamulka Puntland Oo Xayiraad Saaray Wariye Caan Ka Ah Dhulka Soomaalida +Sababta.

Garoowe-(OWN)-Wasaaradda Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka mamnuucday Cumar Faaruuq Cismaan oo sheegta inuu yahay xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed uu ku qabto wax shir ah ama tababar ah magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland kuna saxiixan yahay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) wasiirka wasaaraddaasi ayaa lagu sheegay in Cumar Faaruuq uusan ogolaansho ka haysan dowladda Puntland sidaasi darteedna qaban karin wax shir ama tababar ah.

Cumar Faaruuq ayaa gaadhay shalay magaalada Garowe mana jirto illaa iyo hadda wax jawaab ah oo uu ka bixiyay amarka lagu soo rogay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker