mudane madaxweyne i garab istaaga iyo aniga mudan way soo dhamaatay, garina laba nin kama wada qosliso.

xisbiga waddani waa gartii hadduu ku yidhahdo garsoorka inoo hagaajiy si ciyaarta kubadu iyo quruxda dimuqadiyadu inoogu wacnaato , umaddana doonistooda in ay caalamka ka noqdaan xubin firfircoon loo gaadhi karo , marbana cid la tijaabin karo, adigana maanta lagu tijaabiyey, xaqiiqdii raggu kala ayaan roon balse ha noqon madaxweyne doqon abaal daran, umadana ka xishood oo abaalkii ay ku galeen u gud , oo hogaamin nasteexo leh, isla markasina hamuunkii doorashada aad ku gashay ka muuqdo gali , arinkuna maanta meel lagaga baydhaa may jirto, hadad 2011 tidhi gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayan rabaa, oo tadadii lagu raacay, taariikhdu waa ma guurto, nin doonis badana waad ahayd, 2009 kiina waad soo joogtay wixii aad dooneyseen iyo madaxweynihii hore ee daahir fariid wixii uu idinka yeelay, isagoo isaguba awooda waxad awood is biday,  2015 kii tidhi waxaan rabaa musharax, taasina ragga badani adiga dartaa god madaw kula galeen, maantana qaar kood waad ku badhi furtay, somaliland waad ku badhi furtay marka aad taadii qalafsaneyd leedahay waa anigii ilayn bahal isma doorshee.
hadaba madaxweyne dee sidii doqonta dumarka ha doonis badnaane. hadad diido
waxaad ogaataa in waddanka ay joogaan kuwa ka dhago iyo indho adag , kuwa ka geesisan kuwa ka aqoon iyo garasho dheer. adiguna ha noqon doqon malabsiga taqaan.
waxan kaga tagayaa talada umada u dhug yeelo.
Qore : Sirmohamud hussein Awliyo
Email:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker