Talo Ku Socota Xukuumadda Somaliland
Waxa beryahan danbe caado noqotay in dad loo xidho hadallo ama gabayo aanay jeclaysan xukuumaddu. Xukuumaddu ma fahamsantahay in ay jiraan dad badan oo ku tala gala in la xidho si loo barto oo magacooda loogu qoro wargeysyada iyo baraha bulshada ama ay u helaan “attention”. Dadka noocan ihi ma laha tabo kale oo ay ku caan baxaan sida waxtar ay bulshada ugu qabtaan aqoontooda ama xirfadooda. Dadka caynkaas ah la marka xidho waxa la dhiirri gelinayaa kuwo kale oo la mid ah. “In their opinion, an easy way to be famous is to be arrested for saying or writing something the government doesn’t like”. Haddii qofku waxa run ah sheego ama ku gabyo, waa laga faa’idaystaa.
Xukuumaddu waa in aanay iyadu magac u samayn dadka noocaas ah. Kuwaas oo kale waxba lagama soo qaado waxay yidhaahdaan. Waxa dhab ah marka ay waayaan cid xidha ama siisa attention in ay iska aamusi doonaan. Hadal qofku yidhaahdaa wax ma dilo. Waxa la xidhaa qofka ficil sameeya ee ama wax dila ama hanjabaad dil ah sameeya ama is hortaaga sharciga sida ciidan waajibkiisa gudanaya. Waxa aan rajaynayaa in ay xukumada qaadato cashar ah sida loola macaamilo dadka afxumada caadaysta. Just ignore them.
Thanks
Aden Ismail
Canada