Daawo:-Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Xilka Si Rasmiya Ugala Wareegay Madaxweynihii Hore Iyo Gaas Oo Cafis Dalbaday.

Garoowe-(OWN)-Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Axmed Cismaan Karaash, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/ Xakiin Xaaji Cumar Cameey.

Munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayey xilka kula kala wareegeen Maamulkii hore iyo maamulka soo baxay 8-dii bishan January.

Gaas oo hadalkiisii u danbeeyay ka jeediyay Madaxtooyada Garoowe, ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka cusub, isagoo soo bandhigay waxyaabaha mudnaanta u leh isaga ee uu soo qabtay mudadii uu Xafiiska fadhiyay.

Madaxweynihii 4-aad ee Puntland Gaas, ayaa si aan ganbasho leheyn Cafis uga dalbaday Shacabka Puntland ee uu soo maamulayay tan iyo 2014-kii, Isagoo muujiyay iney dhici karaan gefaf ka dhaca.

“Dalabkaasi cafiska ah waa mid niyada hugmaysay [ruxaysa]…marka cafiskaasi ayaa ka codsanayaa dadka meel kasta oo ay joogaan…marka aan is­cafino dadka reer Puntland meel kasta oo aad joogtaan,” ayuu yiri Gaas.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa isaguna dhankiisa sheegay inuu talo ka qaadan doono Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Puntland Gaas, wuxuuna dhinaca kale balan qaaday inuu xoogga saari doono bixinta mushaaraadka Ciidamada.

Si kastaba, Hadalka Gaas ee aadan cafiska ayaa waxaa horey usoo jeediyay ku xigeenka Cabdixakiin Xaaji Cumar [Camey] kaasi oo qiray inay shacabka Puntland ka galeen gafaf looga baahan yahay inay ka boogadhayaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker