Dowladda Somalia Oo Digniin kasoo Saartay Roobab Dabeylo Wata oo kusoo Wajahan Dalkeeda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  digniin ka soo saartay is bedellada Cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo duufaano la saadaalinayo inay ku soo Wajahan yihiin deegaano ka mid ah Soomaaliya.

 

War saxaafadeed ka soo Baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Roobabka weli ka da’aya Gobolada ay suura gal ka dhigi karaan fatahaado hor leh, waxaana heegan la geliyay Hey’adaha qaabilsan gurmadka iyo ka jawaabista Xaaladaha Degdega ee ka dhalan kara roobabka iyo dabeylaha la saadaalinayo.

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa u diyaar Garoobay gurmadka daadadka ka dhasha roobabka la saadaalinayo, waxaana la diyaariyay gaadiidka gurmadka degdega iyo waaxyaha qaabilsan ka jawaabista xaaladaha degdega.

Halkan hoose ka akhriso;

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker