WAR-GALIN: Faah-faahin Ku Saabsan Tartan Uu Qabanayo Ururka WIJA U Qabanayo Hablaha Saxaafadda Ku Jira
Ururka gabdhaha suxufiyiinta Somaliland ee WIJA oo ah urur aan dowli ahayn,
kana shaqeeya horumarinta warbaahinta dalka iyo arrimaha haweenka, waxaa uu
ogaysiinayaa gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta dalka ee ku nool dhamaan
gobollada Somaliland in ay u qaban doonaan tartan ay ku soo bandhigayaan
xirfaddooda.
Ururka WIJA oo kaashanaya hay’adda Mucaawimooyinka dalka Ingiriiska ee UK
Aid, waxa uu ugu talogalay inuu tartankan ku abaalmariyo gabdhaha suxufiyiinta
ah ee reer Somaliland, taasoo qayb ka ah dedaalada uu ururka WIJA ugu jiro kor u
qaadista aqoonta gabdhaha suxufiyiinta sida; tababarada iyo dhiirigalinta uu
markasta la barbar joogo gabdhaha ka hawlgala warbaahinta dalka ta dowliga ah
iyo ta gaarka loo leeyahayba.
Haddaba, shuruuraha tartanka waxa ka mid ah:
- Tartanka waxa lagaga qaybgalayaa oo tartameyaashu barnaamijyadooda ku
salaynayaan saddexdan mawduuc midkood:
Waa in barnaamijku yahay mid ka hadlaya haweenka Somaliland
iyo dhibaatooyinka ka hortaagan ka qaybgalka talada dalka.
Waa inuu yahay mid ka hadlaya Gudniinka Fircooniga iyo
dhibaatooyinkiisa iyo sidii loo dabar-goyn lahaa caaddo-
dhaqameedkan.
Ama inuu yahay mid ka hadlaya Tacadiyada ka dhan ka ah dadka
nugulka ah, sida haweenka iyo caruurta.
- Waxaa ay barnaamijyadu noqon karaan: mid qoraal ah (sida barnaamij
wargeys ama website), mid maqal ah (sida barnaamij Idaacadeed) iyo mid
maqal/muuqaal ah (sida barnaamij TV).
- Ka qaybgalka tartanku waxa uu u furan yahay dhammaan gabdhaha
suxufiyiinta ee ka hawlgala lixda gobol ee Somaliland.
- Tartanka waxaa lagaga qaybgalayaa si keli-keli ah, lamana aqbali doono
koox wax soo wada diyaarisa.
- Waqtiga barnaamijku wuxuu noqon karaa:
TV: mid aan ka badnayn 15 daqiiqo
Radio: Mid aan ka badnayn 15 daqiiqo
Wargeys ama Website: Qoraal aan ka badnayn 3 bog ama 1500
erey.
- Barnaamijku waa inuu noqdaa mid cusub oo aan ka bixin idaacad iyo TV,
laguna qorin wargeys iyo website midna.
- Ka qaybgalka tartanku wuxuu furan yahay January, 1-31/2019, waana in
tartameyaashu kusoo gudbiyaan hab electroonig ah. Barnaamijyada waxa
ka qaybgaleyaashu ku soo dirayaan emailka: tartankahablaha@gmail.com
- Marka uu ka qaybgaluhu barnaamijkiisa gudbinayo, waxa looga baahan
yahay inay la socdaan magaca qofka oo dhammaystiran, telefoonka iyo
emailka.
- Abaalmarinta waxa la qaban doonaa horaanta bisha February 2019.
- Waxa abaalmarinada heli doona saddexda qof ee ugu sareeya.
- Ka qaybgaleyaashu wixii ay su’aal qabaan, waxay la soo xidhiidhi karaan
ciwaanadan, inta ka horeysa 25 January.
Tel: 063-3435332 ama 512413
Xafiiska ururka WIJA ee magaalada Hargeysa oo ku yaala Fooqa
Cimaarat Salaama, jidka Radio Hargeysa, degmada Gacan-libaax.