Sababta Uu Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson Uu U Baajiyay Booqasho Uu Muqdisho Ku Tagi Lahaa.

Muqdisho-(OWN)-Xoghayaha Difaaca dalka UK Gavin Williamson ayaa lagu waramayaa in uu baajiyay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan lagu waday in uu la qaato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu daabacay Wargeyska Independent ee ka soo baxay dalka Britain.

Taa badalkeeda Gavin Williamson ayaa booqday magaalada Hargeysa isaga oo kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen arrimo u badnaa xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

In xoghayaha difaaca dalka Britain uu baajiyo safarkiisii Muqdisho ayaa lagu micneynayaa khilaafka ka dhashay go’aankii dowladda Soomaaliya dalka ugu ceydhisay wakiilkii Qaramada Midoobey ugu qaabilsanaa siyaasada Soomaaliya Nicholas Haysom oo ay dowladda ku eedeysan in uu ka baxay nidaamkii Diblomaasiyadda.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal warka ku saabsan xoghayaha difaaca uu ka baaqday safar uu ku iman lahaa Muqdisho iyo sida ay u aragto safarka uu ku tagay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale ilaa iyo haatan dowladda Britain kama aysan hadal hadii xoghayahooda difaaca uu markii horeba doonyay in uu Muqdisho ka dago iyo in socdaalkiisu uu ahaa halka uu tagay ee Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker