Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Waraysigii Ugu Horeeyey Ku Sheegay Inay Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa sheegay, in aanuu an Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhuleed, hase yeeshee Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay.

 

Madaxweynaha oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay, in dhulka maqan ee Puntland aan wax gor-gortan lagala gelin dooni maamulka Somaliland,islamarkaana aan laga yeeli dooni xuduudka ay ku andacoonayan in ay Ingiriis ka dhaxleen

 

Dhinaca kale mudane Deni ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Federalaalka wuxuu sheegay, in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa dowlad Federaalka  ah oo sal adag leh.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker