Deg-Deg:-Labo Musharrax Oo Isugu Soo Hadhay Tartanta Madaxweynaha Puntland.
Garoowe-(OWN)-Wareega labaad ee doorashada madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay,iyadoo guddiga doorashada uu shaaciyay natiijada wareega.
Saddex musharrax ayaa ku tartamay wareega labaad,kuwaas oo kala helay cododka.
1- Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano 30 cod
2- Saciid Cabdullaahi Deni 20 cod
3- Faarax Cali Shire 7 cod
Wareega u dambeya ayaa waxaa ku tartamaya labada musharrax ee ugu codadka badan kuwaas oo kala ah,Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo hal cod ku horreeya wareega iyo Saciid Cabdullaahi Deni.
