“QM Waa La Bah-dilay, Guul Weyn Ayaa Usoo Hoyatay Villa Somalia”Raage Oomaar.
London-(OWN)-Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar ayaa guul siyaasadeed weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia ku tilmaamay go’aankii lagu caydhiyey ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom.
Raage Oomaar ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in Villa Somalia ay bah-dishay xoghayaha guud ee QM Antoni Guterres iyo QM, kadib markii ay caydhisay Haysom
Qoraalka Raage ayaa u dhignaa sidan:
“Guul weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia oo bah-dishay Guterres iyo QM. Dowladda Somalia waxay caydhisay wakiilkii gaarka ahaa ee QM ee Soomaalia Nicholas Haysom. QM waxay sheegtay in taasi aan la ogoleyn. Hase yeeshee waa ay is-dhiibtay waxayna sheegtay inay beddeli doonto”
Qoraal kale oo Raage uu ugu jawaabay agaasimaha mashruucda hay’adda ICG ee Geeska Afrika, rashiid Cabdi ayuu ku sheegay in dowladda Somalia ay qaadatay go’aan siyaasadeed ay ogtahay inuu guul siyaasadeed uga horseedi doono xagga shacabka.
Waxa uu yidhi “Dowlad kasta waxay ay caydhsan doontaa siyaasaddii u shaqeeneysaa islamarkaana ah guul siyaasadeed. Tani waxay guul dhameystiran u tahay Villa Somalia iyo “waddaniyiinta fog”, sida aad ugu yeedhto, waxay muujiyeen in naceybka darran ee shaqada QM uu shaqeeyo, UNSomalia-na waa ay is dhiibtay”
Wariye Rage Omar