Murashaxiinta Rasmiga Ah Ee U Tarmaya Jagada Madaxwayne Iyo Madaxwayne Ku Xigenka Maamulka Puntland Oo La Shaaciyay
Garoowe (OWN)-Waxaa Goor-dhowayd lasoo gaba gabeeyay diiwaan gelinta musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.
Gudiga doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenka Puntland ayaa Goordhowayd ku dhowaaqay Musharixiinta Rasmiga ah ee is Diiwaan geliyey, Iyadoo Madaxwaynaha ay ku Tartami doonaan 21-Musharax Halka Madaxwayne ku xigeenka ay isku sharaxeen 11-Musharax.
Musharixiinta ayaa Sidoo kale waxaa kasoo Kasoo Xarooday Dhaqaalle Xoogan oo kamid ahaa Shuruudihii lagu xidhay.
21 Musharax oo u taagan Xilka Madaxwayne ayaa Bixiyey 21×20=$420,000, Halka 11 Musharax oo u taagan Madaxweyne Xigeenka ay bixiyeen 11×10=110,000 , Iyadoo Wadarta guud ee lacagtu ay tahay $530,000.