“Somaliland Iyo Soomaaliya, Waxay U Baahan Yihiin Gole Caalami Ah Oo Ay Ku Garnaqsadaan Iyo Awood Caalami Ah Oo Meel Marisa Waxa Ay Ku Heshiiyaan”
Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah ergayga gaarka ah ee gobalka Geeska Afrika u qaabilsan hay’adda caalamiga ah ee Centre for humanitarian dialogue, ayaa khudbad ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ka jeediyay madasha caalamiga ah ee Chatham House ee dalka Ingiriiska.
Maxamed, ayaa waxa madasha ku weheliyay oo buug uu ka qoray arrimaha dalka Soomaaliya ku soo bandhigay ergaygii hore ee Qaramada Midoobay Michael Keating, waxaanu halkaas ka jeediyay Mr. Keating khudbad ku saabsan Soomaaliya iyo wixii uu Muqdisho ku arkay.
Kulankan habeenimadii Jimcuhu soo galayay ee 04 April ka qabsoomay madasha Chattham House, ayaa Maxamed Cabdillaahi wuxuu ka hadlay wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, isagoo ku dheeraaday taariikhdii ay soo mareen wada hadaladu iyo kaalinta beesha caalamku ka qaadatay imika ama looga baahan yahay inay ka qaataan.
Maxamed, ayaa ahaa wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland markii sannadkii 2012 shirkii arrimaha Soomaalida ee London la iskula qaatay inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Wuxuu Maxamed madasha ka sheegay in dadka reer Somaliland badankoodu ku garaadsadeen ama ay dhasheenba intii ay Somaliland dawladnimada la soo noqotay, isagoo xusay inaan dhinaca Soomaaliyana laga hadal hayn maqnaanshaha Somaliland “Marka laga reebo” ayuu yidhi “Khudbadaha laga jeediyo munaasibadaha garka ah.”
Isagoo Maxamed ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya waxay u baahan yihiin gole caalamiya ah oo ay ku garnaqsadaan iyo awood caalami ah oo meel marisa waxa ay ku heshiiyaan. Inta ka horaysana horumarkooda si furan looga qaybgalo oo aan la siyaasadayn.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Wuxuu Cumar, ka digay oo uu ku baaqay in laga hortago isku dhacyo dhex mari kara Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwo aan loo baahnayn, waxaanu dawladda Ingiriiska ugu baaqay inay soo celiso kaalintii ay kaga jirtay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. “Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi inay sameeyaan guddiyo farsamo oo kooban oo gacan ka gaysta diyaar garowga wada hadalada lana shaqeeya beesha caalamka ee ku hawlan arrintan.”
Beesha caalamka ayuu sidoo kale Maxamed ugu baaqay inaanay ka daalin ee ay ka shaqeeyaan sidii dib loogu furi lahaa wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Maxamed Cabdillaahi Cumar.