Waa Sidee Xaaladda Iyo Duruufaha Ku Gadaaman Caruurta Darbijif ka ah Yaa Se Leh Masuuliyadda 1aad ? W/Q, GEELE OSMAN TAKAR. Q1aad…………..

Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland  waxaa ku qoran (Qodobka 19) ,Dawladda ayaa masuul ka ah caafimaadka, horumarka iyo waxbarashada hooyadda, ilmaha iyo naafadda aan haysan cid daryeesha sidoo kale (Qodobka 24)  wuxuu tilmaamayaa Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay wuxuu xaq u leeyahay inuu helo nolol, amni, xaqa noloshiisa gaar ahaaneed waxaana mamnuuc ka ah garaacista, ciqaabta jidhka iyo wixii kale dhawaac ah ee soo gaadha.

xeerka siyaasadda daryeelka caruurta aan daryeel waalidnimo haysan qaybtiisa 12aad wuxuu tilmaamayaa  in Caruurta darbi jiifka ahi ka mid yihiin qaybaha ugu nugul caruuraha aan fursada u helin daryeel waalidnimo iyo daryeelada kale toona waa in mudnaanta koobaad la siiya.

Dawladu waa inay samaysaa daraasad rasmiya xaaladda iyo duruufaha ku gadaaman carruurta darbijif ka ah oo ay qaadaa talaabooyin qorshaysan oo wax kaga qabanayso xad gudubyada jidheed, jinsiyeed iyo maskaxeed ee carruurta darbijiifka ah loo gaysto.

Dareenka qof gaajaysan ma soo gudbin kartid adigoo dheragsan

Waa inaad mudo la soo qaadato wakhti oo aad deristo xaalada dhabta ah ay ku sugan yihiin waxaana ugu daran xiliga roobka iyo xiliyada qobowga.

Xiligan oo lagu jiro wakhtii dhaxanta  ayaa waxaad arkaysaa dhalin tiro badan oo ku qadhqadhaysa  hareeraha wadooyinka waawayn ee caasimadaha gobolada isla markaana dadka ka codsanayaan sidii ay uga gacan qaban lahaayeen qabowga,gaajada  iyo darxumada maalin walba haysata.

Hadaba yaa leh masuuliyada koowaad dhalintan ku tabaalaysan badhtamaha caasimada hargeisa iyo gobolada qaarkood ?

 

Aan ka yar horeysiiyo  jawaabta su’aashaa maanso dareen aad lahayd  oo ka hadlaysay darbi jiifka oo uu ku codeeyey inan kamida dhalinta darib jiifka ah waxaanay u hadlaysaa caruurtaa dhibaataysan.

 

Duruuf adag baan ku koray

Daryeel hooyana ma helin

Dadaal aabana ma arag

Tol iyo xidid ii damqada

Dadkana kuma lihi wallaal

Waxa aan u hoydaa darbiga

Baahida dacal kayga taal

Ayaa dawarsiga I baray

Darxumo badan baan qabaa

Dubkeyga waxaa ku shidan

Dab kuu waa yuhu I sudhay

Damiir togan baan lahaa

Inaan dadka caawiyoo

Digtoor noqdo waan jeclaa

Duliga nolosha aan ku jiro

Diiftayda waxaan arkaa

Da’deeyda markeey tagaan

Dugsiga iyagoo qurxoon

Farxada waan kala didnaa

Dugaag waxaan qayb sanaa

Hambada aad daadisaan

Barbeey dhaxamuhu dileen

Barbaa daadad soo rog maday

Habeen dumay uu la tagay

Aqoon yahan nama darsaaan

Qoraa guna wuu na dagay

Dadweynaha uma bandhigo

Waxa aanu rabnaa dareen

Daryeel iyo nolol haboon

Maalinba maalinta ka dambeesay way isa soo taraysay carruurta suuqa waxay ka kala yimaadaan Somalia ,jabouti ,ethoipia iyo muwaadiniin Somaliland ah oo  ku barakacay dalka gudihiisa  waxaa jira qaar intooda badan aanan  garanayn ehelkooda.

 Sidoo kale  xaalada carruurta darbi jiifka cid la socota ma jirto  markay suuqa soo galayaan .

Hadaba carruurta sidan oo kale hadaanan dadkoodii hayn Karin yaa ka masuula ? la soco Q2aad…………………

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker