MORGAN IYO MUSE ABTIRSIINYADA AYEY KU KALA DUWANYIHIIN!

Waxaaan aad ula yaabay in aan arko amba aan akhriyo dad ku doodaya in uu hebel yahay danbiile dagaal (war criminal), oo aanay xaq u lahayn in uu isu taago doorasho maamul ama wadanba.
Haddii aan u soo dego arinka ina khuseeya ka Somaali ahaan waa Morgan oo u taagan xilka madaxweyne ee Puntland dhawaan ka dhacaysa, Anigu waxaan ka markhaati ahay in uu Morgan ka masuul ahaa dad badan oo ku dhintay ama qaxay oo ku noolaa somali land sanadkii 1988kii, ayna ahayd in uu wajaho maxkamad caalami ah oo ku qaada xukun caadil ah. Waxaase taasi ka badbaadiyey markii dagaalada ay dhex mareen dowladdii somaliland ee uu cigaal madxaweynaha ka ahaa iyo kooxdii ka soo horjeesatay oo sidii 1988 kii dowladii ay adeegsatay dhamaanba wixii ay awood lahayd ee ay ku difaaci lahayd nidaamka dowlada. kolba haddii uu muse ka mid ahaa kuwii difaacayey dowladii cigaal ee xalka u arkaayey in la muquuniyo mucaaradka, taasina ay dhalisay dad dhintay iyo dad qaxayba, markaa muxuu kaga duwanyahay Morgan ileyn isna dowladii sodagii ayuu difaacayey isna wuxuu difaacayey cigaal oo uu u arkeyey adeerkii eh. Anigu waxaan la kulmay islaan caruur la sii qaxaysa oo magaalada ka sii baxaysa markaas ayaan ku idhi ee maxaad u qixineysaa caruurta, waxay igu jawaabtay waxaan ka qixinayaa cadow aanu isku abtirsiino wadaagno,waxaan sii weeydiiye halka ay ku noolaan jirtay 1988 kii,waxay tidhi gurigii aan ka qaxay 1988 kii ayaan maantana ka soo qaxay, kolkaa hooyo ina siyaad iyo ina cigaal waa laba cadow laakiin waxay ku kala duwanyihiin waa midna waxaanu wadaagnaa abtirsiin midna waa wuun somalli.
Hadalkaas islaantu wuxuu u sheegayaa somalida in ayna dhageysan siyaasi dantiisa uun ka fikiraya ee aan u hayn waxa dan ah dal iyo tol midna.
Kolkaas arintani igama aha in aan ku difaacayo Morgan oo aan leeyahay waa danbi laawe isla markaasna aan muse dusha ka saarayo danbi aanu gelin laakiin waxaan soo bandhigay arin aan aaminsanahay inay cadaalad tahay in aan dadka gala danbi isku mid ah sharci isku mid ah lagu wada qaado ama si isku mid ah loo wada dhaleeceeyo hadii ay isku fal danbiyeed wada galeen.
ABDI ABDI
madoobe2@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker