Wag Weeraray Hotel ku Yaala Pakistan Oo L Sheegay In La Dilay

Niman hubeeysan oo weerar ku qaaday hotel heerka Shanaad ah kuna yaala Gobolka Balochistan ee dalka Pakisaan ayaa la dilay, kadib markii ay ciidanka Amaanku dagaal la galeen, sida ay sheegeen Saraakiil Dowladda ka tirksan.

Weerarka iyo Afduub ka dambeeyay oo la bartimmaameedsaday hotelka Zaber kuna yaala Magaaladda Dekadda leh ee Gwadar ayaa socday uddo Saacado ah.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa Ilaaladda hotelka ayey kooxdu dileen ka hor intii aan iyaga la dilin. Afhayeen Hotel-ka u hadlay ayaa sheegay in ay marti joogin hoteelka Shaqaale yarna ay joogeen maadaama ay Soon tahay.

Koox gooni u goosad ah oo lagu magacaabo Ciidanka Xoreynta Balochistan ayaa sheegtay in ay werarka qaadeen. Kooxdu waxay sheegeen in hotelku uu hoy u ahaa Mashruux ay malaayiin dolar ku baxeyso oo Shiinaha laga leeyahay, ayna u doorteen in ay beegsadaan Shiinaha iyo maalgashadeyaashooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker