Xukuumadii Siilaanyo : Faddeexad Musuq-maasuq Oo Soo Ifbaxday Iyo Mad-madowga Hadheeyey Xisaab Xidhkii 2020-kii
Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiilada oo ku Guddo jira kormeerida iyo indho-indhaynta mashaariicdii laga fuliyey Miisaaniyada Qaranka ee Gobollada dalka kuna xusan xisaab xidhka 2020, ayaa kormeeray dhismayaal laga fulliyey Magaalada Burco,waxaanay la kulmeen arrimo xasaasi ah,kuwaas oo ay kamid yihiin dhismayaal ay hirgelisay Dawladdii Madaxweyne Siilaanyo,kuwaas oo hadda lacago lagula baxay,isla markaana lagu sheegay xisaab xidhkii 2020-kii in laga fulliyey miisaaniyadda Qaranka,taas oo noqotay fadeexad aan la filayn.
Guddida dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada oo gaadhay Magaalada Burco ayaa sheegay in dhismaha wasaaradda hawlaha guud uu ku jiro mashaariicda ay kormeerayaan ee ku jira miisaaniyada qaranka 2020 oo lacag badan loogu saaray,kaas oo ah mid ay dhistay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo sannadkii 2017-kii.
Guddoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Mustafe khayreeye oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan :-“Meeshan aanu joognaa waa hawlaha guud hore ayey u dhisantay xisaab xidhkaa aanu waddanana lacag farra baddan ayaa ku jirta oo 2020-kii ah ,taasina waxay caddaan doontaa marka aynu baadhista samayno,maddaama oo uu shismahani 2017-kii dhammaaday oo haddana xisaab xidhkii 2020-kii miisaaniyad badani ugu jirto marka aanu hubino meesha ay martay ayaanu Golaha Wakiillada iyo bulshadaba la waddaagaynaa..” ayuu yidhi