Qoys Dan-yar ah oo Madaxweyne Muuse Biixi uga Ashkatooday Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Tog-Wajaale oo ka burburiyey Hoygii ay degganaayeen

Tog-Wajaale (OWN)- Qoys Agoon ah oo isugu jira Hooyo iyo Shan carruur ah, ayaa habeenkii Shannaad hoy la’aan ku sugan xilligan Jilaalka oo dhaxan ba’ani ka jirto degmada Tog-Wajaale, kaddib markii gurigii ay ku noolaayeen uu ka burburiyey Guddoomiye ku-xigeenka degmada Tog-wajaale Mursal Nuux Cismaan oo Ciidamo boolis ah u dalbaday isla markaana ka burburiyey Guri Jiingad ka samaysan oo qoyskani degganaayeen muddo Lix Sanno ah.

 

Hooyada Qoyskan Dan-yarta ah isla markaana ah Agoon haysata Shan carruur ah iyo Dad ay deris yihiin ayaa warbaahinta la hadlay, waxaanay ka warrameen tacaddiyo Guddoomiye ku-xigeenka degmadaas kula kacay qoyskan iyo xaaladda xilligan qaboobaha ah oo ay bilaa Hoy yihiin ku sugan yihiin.

HALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKRAN OO MAQAL IYO MUUQAAL AH

https://youtu.be/SRfdaCYjpjM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker