62 Al-Shabaab Ah Ayaan Duqeymo Ku Dilnay, Taliska Ciidamada AFRICOM
Moqdisho (OWN)- Militariga Mareykanka ayaa sheegay in 62 mintidiin Shabaab ah ay ku dileen lix duqeyn oo sabtidii iyo axaddii ay ka fuliyeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee Africom ayaa sheegay in afar duqeyn la fuliyey sabtidii islamarkaana lagu dilay 34 mintididiin ah, ayada oo laba duqeyn oo dheeri ah axaddii lagu dilay 28 mintidiin ah.
“Africom iyo saaxiibadeena Soomaalida waxay fuliyeen weerarkan si looga hortago in argagixisada ay goobaha baadiyaha ka dhigtaan gabbaad ay ku qorsheeyaan, ku hagaan, kuna qortaan dagaalyahanno fuliya weeraro” ayaa lagu yidhi bayaan kaso baxay Africom.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeymahaan oo ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa sanadkan ee lala beegsado A-Shabaab aysan wax ku noqon dad shacab ah.
Dowladda Mareykanka ayaa duqeymo joogto ah ka fulisa Soomaaliya ayada oo taageeraysa dowladda QM ay taageerto ee Soomaaliya, oo muddo sanado ah dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab. Duqeyn ay fuliyeen militariga Mareykanka ayaa bishii tagtay lagu dilay 37 mintid.