Daawo:-Raiisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Shir Kaga Qeyb Galay Dalka Djibouti, Kana Hadlay Dabaysha Isbedel Ee Dalalka Geeska.
Djibouti-(OWN)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guulled (Khadar) ayaa maanta dalka Jabuuti uga qayb gelay madasha sannadlaha ah ee machadka daraasaadka siyaasadda Heritage.
Mahdi Maxamed Guuleed,ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya oo shirka ku metelayay dawladda Soomaaliya ayaa madashana ka jeediyay khudbad uu uga hadlay isbedelka gobalka geeska Afrika iyo dawrka ay ku leedahay dawladda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay iney nabad iyo xasillooni kula noolaato dalalka deriska ah.
“ Soomaaliya waxay baahan tahay nabad iyo nolol,Soomaaliya waxay baahan tahay iney nabad kula noolaato jaarkeeda,isbedelka Geeska Afrika ka dhacay Soomaaliya waxay uga faa’ideysaneysaa xagga dhaqaalaha,amni iyo xasillooni siyaasadeed iyo in Soomaaliya iyo Itoobiya nabad ku wada noolaadan,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in shirkan oo socon doono mudo saddex cisho ah rajeynayo iney ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo wax weyn u tara Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.