Siyaasiga Cali Warancade Oo Soo Bandhigay Dariiq Halis Leh Oo Farmaajo U Horseeday Soomaaliya.
Haegaysa-(OWN)-Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland ayaa soo bandhigay caqabado uu madaxweyne Farmaajo u horseeday soomaaliya.
Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo qoraal ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa ku sheegay in Farmaajo uu dariiq halis badan u horseeday soomaaliya, waxaanu qoraalkiisa u dhignaa sidan:-
Waxaa hubaal Ah in Madaxweyne Farmaajo u muuqdo Nin Ku Haftay Siyaasada Hogaamineed ee uu madaxda ka ahaa isla markaana u muuqdo nin aan u madaxbanaaneyn tallada dalka uu madaxweynaha ka yahay.
Marka la eego daalaa dhaca ku yimid siyaasada arrimaha gudaha iyo dibada ee soomaaliya.
Madaxweyne farmaajo ficiladiisa hogaamineed waxaa ka muuqda aqoon daro siyaasadeed waayo arag la,aan iyo kali-talisnimo U horseedi karta dalkaasi burbur iyo hadimo fool xun.
Sommaliya waxay maanta u baahan tahay in la badbaadiyo inta aan meel dheer laga doonin waxaana badbaado ugu dhow mooshinka ay Farmaajo ka keenen golaha shacabku.
Waxaase ayaan darro labaad iyo laf-jab ku noqon karta shacabka reer soomaaliya ee dhibaatadu dul hoganeyso haddii mooshinka golaha shacabku keenay uu isu badalo mooshin hunguriyeed sidii caadada u ahaan jirtay xubnaha golaha shacabka ee soomaaliya.
Waxaana la gudboon golahan in ay shacabkooda u muujiyaan daacadnimo oo dalka ka badbaadiyaan halista soo food saartay.