Hogaamiyaha Garabka Milatariga ee Suudaan Oo Markii Ugu Horaysay Booqanaya Washinton

Janaraal Cabdul Fataax Al- Burhaan ayaa martiqaad ka helay Madaxwaynaha Maraykanka waxaana Casuumadan uu ku Tegayo Washinton ay noqonaysaa tii ugu horreeyay ee Madaxwayne Reer Suudaan ah uu ku tago Mareykanka muddo ka badan 30 sanno.

 

 

Janaraal Cabdul Fataax ayaa inta uu ku sugan yahay Washington, waxa uu kulan la yeelan doonaa madaxweyne Trump, waxayna ka wada hadli doonaan xoojinta Cilaaqaadka labada dal, oo soo hagaagayay tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxwaynihii horeย  Ee Dalkaasiย  Cumar Albashiir.

 

Suudaan ayaa weli ku jirta liiska Mareykanka ee Dalalka maalgeliyo Argagaixisada balse Xukuumadda Washington waxay sheegtay in dhawaan laga yaabo inay ka saarto liiskaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker