Maxaad Ka Ogtahay Filimkii Sayidka Ee Aan Waligii La Daawanin?

Sanadkii 1983-dii ayaa dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay maal-gelisay filim laga jilayay guumaysigii Ingiriiska iyo halgankii Sayid Maxamed Cabdile Xasan, kaasi oo ay gacanta ku haysay shirkad aflaanta sameysa oo laga leeyahay dalka Hindiya.

Dadkii filimkaasi jilayay oo tegay meelihii uu Sayidka tegay ayaa laga soo kala xulay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Soomaaliya, waxaana sidoo kale dadkii filimka jilayay kamid ahaa dad ajnabi ah oo laga keenay dibadda dalka.

Shaksigii metalayay Sayid Maxammed Cabdille Xasan ayaa la sheegay in uu ahaa qof ajnabi ah oo laga keenay diabdda dalka, waxaana filimkan lagu jilay magaalooyinka Taleex iyo Berbera.

Dadkii Soomaalida ahaa ee hogaaminayay filimkan ayaa waxaa kamid ah Saciid Saalax, Maxamuud Diirshe iyo Yuusf xaaji Aadan.

”Dadka waxaa looga sheekenayay sheekada, buuq qoran ayaa la raacayay oo nin walba waxaa uu raacayay qoraalka, hadii ay ahaan laheyd gabay, geerar iyo hadal tiraab ah, nin walbana waxaa uu sameynayo waa ay u qornaayeen”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Cabdullahi Axmed Dafe oo kamid ahaa dadkii wax ka jilay filimkasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker