Qabaa’ilan Litacaafaruu
Beel weynta Aadan-madoobe, sidii dagaalkii sokeeye ee qarnigii 19aad uu u kala qaxiyey, dib is ku ma aanay haybsanin, oo dib isku ma aanay raadsanin. Badankeeduโna is ma ba tirsadaan, oo beelo kale ayaโay ku kala dhex milanyihiin.
Inteeda istaqaanaaโina, taariikhdoodii saxda ahayd ku ma socdaan, oo ku ma dhaqmaan, oo aad iyo aad, ayaโay u baalmarsanyihiin. Sababtuโna, muddo hore ayaโay dhacdey, oo dacaayado raqiis ahaa, ayaโay ka bilaabantey. Taasaaโna nasiib darradan keentey, oo beeshii kala furfurtey, oo midnimadeediiโna dhaawacdey.
Runtuโse waxa ay tahay, beesha Aadan-madoobe waa wada Ugaadh Aadan-madoobe. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ah, ayaโay dagaalkii sokeeye gashey. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ah, ayaโay kala qaxdey. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ahโna, waโay kala maqantahay.
Beeshu waxa ay u kala baxdaa:
โฆ Cabdille Ugaadh
โฆ Xasan Ugaadh
โฆ Ibraahim Ugaadh
Beeshu kala qaxitaankeedii ka dib, waxa ay ku kala sugantahay:
โฆ Sool
โฆ Sanaag
โฆ Togdheer
โฆ Maroodi-jeex
โฆ Gabiley
โฆ Kililka Shanaad
โฆ Iyo meelo badan, oo Geeska Afrikada Bari ah.
Haddaโba beesha waxa la gudboon, in aanay waxii horey u soo daashadey, ee kala qeybqeybiyey, ee kala qobqobey, ee kala fogeeyey, in aanay dib u sii eeganin; oo intaas in ka badanโna aanay huursanin.
Alla ha u naxariistoโe, Salaan Carabey ayaa yidhi:
ยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏยฏ
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha’e
Iyaba waa is doontaan hadday, kala dibboodaane.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com