Daawo:Barcelona Iyo Inter Milan Oo Kulankooda Champions League Xidhan Doona Calaamado Ay Ugu Hiilinayaan Ciyaartoyga Madow
Daawo: Kulanka Champions League ee Salaasada ay iskaga Hor iman doonaan Inter Milan iyo Barcelona, waxa calaamadaha ay labada kabtan ku xidhan doonaan gacanta bidix ka muuqan doono qoraal loogu hiilinayo ciyaartoyga madow ee lagu cunsuriyeeyo garoomada dhexdooda.
Inter Milan oo kaalinta labaad ee Grouup F fadhida ayaa u baahan inay guul weyn ka keento ciyaartan si ay ugu soo bixi karto kaalinta labaad, laakiin waxay isku dhibco yihiin Borussia Dortmund oo ay haystaan min 7 dhibcood, taas oo ka dhigan in kooxda reer Italy ay marayso imxitaan adag oo ah inay goolal badan kaga guuleysato Barcelona, isla markaana ay rajayso in laga badiyo Borussia Dortmund oo garoonkeeda kula ciyaari doonta Slavia Prague.
Ciyaartan waxay qayb ka noqon doontaa ololaha lagula dagaallamayo cunsuriyadda oo muddooyinkan dambe kusoo badanaya garoomada.
Inter Milan ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in kabtankeedu uu xidhan doono calaamad ay ku qoran tahay BUU oo u taagan (Brothers Universal United) oo macnaheedu noqonayo in walaalaha dunidu midaysan yihiin.
https://youtu.be/hrCATUYvLI4