Wararka isa soo taraya ee dabka ay ku dhinteen 17-ka arday dalka Kenya

Koox baarayaal ah ayaa la geeyay Dugsiga hoose ee Hillside Edarasha, sida ay booliisku sheegeen, kadib dabkii xalay ka kacay iskuulka.Sida aan wararka ku heleyno ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay dabkaasi oo ay ku dhinteen 17 arday.

Madaxweyne William Ruto ayaa dabkan ku tilmaamay mid argagax leh, isla markaana khasaare geystay, wuxuuna amray in la baaro.”Kuwa mas’uulka ka ahaa waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu ku soo qoray baraha bulshada.

Afhayeenka bilayska Resila Onyango ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in maydadka la helay ay “gubteen si aan la aqoonsan karin”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker