Kulan Lagu Dersay Xeerka Xawaaladaha oo Lagu soo Gabagabeeyay Hargeysa

Shir lagu falanqaynayay Xeerka Xawaaladaha iyo Xeerka Maydhista Lacagaha sida sharcidarada la isugu gudbiyo ayaa shalay lagu soo gabogabeeyay magaalada Hargaysa.

 

Shirkan oo muddo labo cisho ah ka socday Huteel Maansoor ee magaalada ee magaalada Hargaysa ayaa waxa lagaga hadlay xeerka Xawaaladaha iyo Xeerka Maydhista lacagaha sida sharcidarada la isugu gudbiyo oo ay gacanta ku hayaan guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, waxaa ka soo qayb galay daneeyaasha xeerarkan.

 

Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha iyo maaliyada ee golaha Wakiilada Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) oo xidhitaankii kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in xeerka Xawaaladaha iyo xeerka Maydhista lacagaha ay danaynayaan Qaadhaan bixiyayaasha iyo Baanka aduunka. Waxaana uu yidhi “Waxa aan u mahad naqayaa ka soo qayb galayaashii kulankan, waanan idinku bogaadinayaa muddadii uu socday iyo wax yaabihii aad ku soo kordhiseen xeerarkan Xawaalada iyo Maydhista lacagaha, waxaana danaynaya xeerkan Baanka adduunka, Qaadhaan bixiyayaasha oo Yurub ku jirto iyo Maraykanka. Gacanta ayaanu ku haynaa xeerarkan Xawaaladaha iyo xeerka maydhista lacagaha, kuwaasi oo wax badanina ay ku xidhan yihiin.”

 

Guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka dhaqaalaha iyo maaliyada ee golaha wakiilada Maxamed Axmed Obsiiye oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xeerarka Xawaaladaha iyo Maydhista lacagaha ay muhiim u yihiin dalka. waxaana uu yidhi “Aad iyo aad ayaan idiinka mahad naqaynaa sida aad uga soo qayb gasheen kulankan, haddaad tihiin daneeyayaasha Xeerka Xawaaladaha iyo xeerka Maydhista lacagaha sida sharci darrada ah laysku gudbiyo, waa xeerar muhiim u ah dadka iyo dalka Somaliland. Markaa waa in aad soo gaadhsiisaan guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiilada ee xeerarkani khuseeyaan, hadii aad tihiin xawaaladaha iyo cidda ay khusayaan xeerarkani.”

 

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Garyaqaanka guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Mustafe Maxamed Xaaji Daahir oo isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay in talooyin wax ku ool ah laga soo jeediyay kulankan mudadii uu socday. Waxaana uu yidhi “Waan idiinka mahadnaqaynaa haddaad tihiin ka soo qayb galayaashii kulankan lagaga hadlayay xeerka Xawaaladaha iyo xeerka maydhista lacagaha, Talooyin wax ku ool ah ayaad soo jeediseen mudadii uu socday kulankani”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker