Madaxwayne Trump oo laga Yaabo inuu Amro in Ciidamada Maraykanka ee ku Sugan Somalia La Qaado

Washington (OWN) – Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa lagu wadaa inuu amro in kumanaan ciidamada Mareykanka ah laga soo saaro dalalka Soomaaliya, Iraq iyo Afghanistan, sida uu weriyey wargeyska New York Times.

 

Amarkan oo qabyo qoraal ah oo Isniintii la dhex-wareejinayey xarunta waaxda Gaashanadhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, Cidamada Mareykanka ee Afghanistan ayaa gaadhaya 4,500. Waxaana Hore Looga Saaray in ka badan kala badh.

 

Sidoo kale ciidamada Mareykanka ee Iraq ayaa lagu soo koobi doonaa in ka yar 3,000, halka dhammaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo gaadhaya 700 lasoo saari doono.

 

Qorshaha ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya ayaan saameyn ku yeelan doonin ciidamada Mareykanka ee jooga dalalka Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo badankood fuliya howl-gallada diyaaradaha drone-ka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

 

Ku sii-haynta ciidamadaas ee Jabuuti iyo Kenya ayaa sii wadi karta awoodda ay Mareykanku u leeyihiin inay fuliyaan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo arko inay halis ku yihiin danaha Mareykanka.

 

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.

 

Howlgalkooda waxaa ka mid ah inay tababaraan ciidamada Soomaaliya, islamarkaana siiyaan talooyin la xidhiida ka hor-tagga argagixisanimada.

 

Qorshaha Trump ayaa ah in dhammaan ciidamadan lasoo saaro ugu dambeyn 15-ka Jannuary oo ah  shan maalmood ka hor inta aanu xafiiska ka tegin.

 

Ma cadda in sidoo kale lasoo saari doono shaqaalaha kale ee Mareykanka sida wakiilada CIA-da, safiirka iyo diblomaasiyiinta kale ee degan xarunta Xalane.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker