TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Garaadada, isimada dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Sekeriye Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 19-11-2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa dhaqan-yaqaan, ka soo jeeday garaadada ugu faca-weyn Jamhuuriyadda Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii dalka iyo wada jirka iyo wada noolaanshaha shacbiga Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Garaadada, isimada dhaqanka,, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker