Xuutiyiinta Yeman oo ka hadlay dilkii ay u gaysteen Soomaali Muhaajiriin ah
Duqeyntaasi oo dhacday todobaadkii hore magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay 44 qof halka ay ku dhaawacmeen 193 ruux. Waxayna hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay tirada Soomaalida ku jirtay halkaasi inay ahaayeen 31 qof, afar ka mid ah la la’yahay, labo ka mid ahna ay dhaawacmeen, sagaal kalena loo qaaday xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Sanca.
Sarkaal u hadlay falaagada Xuutiyiinta in weerarkaasi uu ku dhacay si qalad ah isla markaana ay ka qoomameynayaan dhimashada muhaajiriintii iyo kuwii ku dhaawacmay.
Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Human right watch ayaa ku eedeysay kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama Yeman inay weerarkaasi ka danbeeyeen, waxayna dalbaday baaritaan deg deg ah in lagu sameeyo.