Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Muqdisho Ka furay Shir caalami Ah Oo Looga Hadlayo Ganacsiga.

Muqdisho-(OWN)-Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya iyo Horumarada dhaqaale ee dalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed  Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay shirka Ganacsiga looga hadlaayo ee  ka furmay magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay dowladda Turkiga iyo sidoo  kale wadamada reer galbeedka ee Soomaaliya ka taageera dhanka  dhaqaalaha.

Waxaa uu bilaawga shirka ka sheegay Wasiir Maareeye in la joogo  xiligii Soomaaliya la maalgashan lahaa isagoo shirkadaha caalamiga ah  ugu baaqay in ay kusoo dhiiradaan maalgashiga Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker