15 GUURADII GEERIDII GEESIGII MUJ ABDIRAHMAAN AHMED ALI TUUR.
15 Sannadood ayaa laga joogaa Geeridii Mujahid Abdirahman Ahmed Ali oo ku beegan 8/11/18.
Geeridu waa lama huraan qofkastaan adduunyada wuxuu kaga tagaa magac iyo ilmgo lagu xurmeeyo Laguna xasuusto ,ka dibna loo duceeyo.
Waxase nasiib daro ah in dhamaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu ilaabay Marxuun Mujahid Cabdiraxmaan Tuur ama uu ula kac isu dhaafiyay.
Si kastab ha ahaatee Taariikhdu been ma sheegto waayihii adkaad ee
Xoriyadan,Nabad gelyadan iyo horumarkan qaranka Jamhuuriyada Somaliland ku naaloonayo uu u soo marayo waxaay ku xardhan yihiin Sooyaalka Somaliland loo soo maray.
Erayga Mujahid wuxuu noqday mid lagu muraadsado ama dan gaara lagu gaadho sida ololeyaasha doorashooyinka Iwm.Waayo hadduu Mujahid qadarin leeyahay maanta madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamed kaahin may ilaabeen Mujahid Abdirahman Tuur iyagoo walba ahaa raggii ay halgankan soo wadda galaan.Kuna faana mujaahid nimada.
Waxaa la xusaa maalamaha, Dhagaxtuurka UFO, 20/2/82. Maalinta Mujahidka 17/10/84 .Geeridii Mujahid Mohamed Mooge, Geeridii Madaxweyne Mohammed Haji Ibrahim Cigal. Muj Cabdilahi Askar iyo qaar kaloo badan.
Maxaa tahay sababta xukuumada kulmiye ducada ugala bakhayshay ama ugala masuugtay Marxuun Mujahid Cabdiraxmaan Tuur?
Oo ahaa Aabihii Qarankan kun dhawaaqay gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland. 18May11991.Ilaahayna ku kaalmeeyay inuu gacantiisa iyo Siyaasadii isagoo adeegsanay xoogagii mujahidiintii SNM. Muddo 6 bilood ahna hogaankii SNM hayay inuu dalka xoreeyo.
Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu janatul Aclaa ha geeyo. AMIIN AMIIN.
Taariikhdu waa lama ilaahayna.
Mataan M Omar
Sheffield.
———- Forwarded message ———
From: Mataan Omar <mataanomar27@gmail.com>
From: Mataan Omar <mataanomar27@gmail.com>
