Hooyo iga raali noqo waan qarqoomayaa!! By: Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil ( DeeQsan)

Waxaan halkaan salaan qaaliya uga dirayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan iyo akhristaha wanagsan ee markasta diyaar u ah in uu cilmi ama qormo cusub fa,iidaysto. Intaa ka dib.

Wan ka xumahay hooyo waayo doontii ayaa ku dhaw inaay nala qarqoonto , waanan awoodi wayay inaan gaadho halkaan doonayay , imaay suurto galin inaan ku soo diro daayntii laynugu lahaa ee aan safarka ku soo galay.

Ha murugoon hooyo hadaad waaydo maydkayga , maxaad ka faaidaysaa imika waxa uu kugu kordhinayaa kharash kale oo soo qaad aan halkan ku aasno ah .

Wan ka xumahay hooyo , waayo maan helin shaqo taasina waa ta sababtay inaan safro sida qayrkay u safreen , aniga oo og inaay riyadaydu aanay weynaayn sida asxaabtayda .

Wan ka xumahay saaxiib , waayo waxaan kugu sababay warwar iyo walbahaar .

Wan ka xumahay walaalo , waayo maan awoodin inaan ku soo diro 50$ an kugu balan qaaday bil kasta sidaad qayrkaa ula sinaatid .

Wan ka xumahay walashay , waayo kuuman soo dirin mobilekan kugu balan qaaday inaad asxaabtada kula jaan qaadid .

Wan ka xumahay gurigaygii quruxda badanaa , waayo maantaba meel ka fog ayan jooga .

Wad mahadsantahiin badmaaxayaasha iyo cilmibaadhayaasha markasta u heelan inaay dadka badbaadiyaan balse anigu ma garanayo magaca badda an ku qarqoomay ,

Wad mahadsantahay baddaay waayo waxaad nugu soo dhawaysay passport iyo visa la,aan isla markaan wad mahadsantahay kaluun waayo wad na cunaysaa adiga oon na waydiin , xagee ka timaaden , diintee ayad wadataan , xisbigee ka tirsan tihiin .

Wad mahadsantahiin channelalada wararka oo markasta soo tabinaya warka dhimashadayda , 5 mint saacad kasta .

Wad mahadsantahiin dhamaantiin waayo waad noo murugoon doontaan markaad maqashaan warkayaga .

Wan ka xumahay , wanan ka murugoonayaa inaan qarqoomay. (*)

*qisadan waxaan ka turjumay iyada oo ku qoran luuqada carabiga.

Qoraa : Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil ( Deeqsan)

Email : deeqsan75@gmail.com

Hargeisa – Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker