WAXAAN LA YAABEY NINKA AY QORAAGA KU SHEEGEEN !!

Ugu horeyn waxaan salaamaya dhamaanba bahda wax qorta iyo inta wax akhrista waan idin salaamey.

Salaam ka dib akhriste wax kasta wax uu leeyahey xad ama meel uu is taago haduu meeshaasi dhaafana macno iyo meeqaam toona ma yeesho.
Qoraalka iyo aqoontu waxey leedahey xaquuq iyo edeb iyo wax u dhowrsoon balse hadii xaquuqdii iyo aqoontii oo rogo cadho iyo qabyaalad macnahu maaha in qof wax la yeeley balse ummad iyo arli dhan ayaa ooda loo rogey lagunaย  gafay.
Waxa aan aad ula yaabay maalintaa mareegta hadhwanaag ku arkey wareysi ay la yeesheen nin dadka ku caayi jirey mareegta Oodwaynenews oo ay maamulka iyo qorayaasha oodweynenews ka Eryeen marka ay la yaabeen waxa uu qoraaye ninkaasi ka dibna Eryeen.
Hadabaย  ninkaasi oon anigu wakhtigaasi arkey waxaan lagu sheegi karin qoraal balse ahaa aflagaado iyo cay la malmaluuqey oo ay ka muuqato aqoon daro badan jaahilnimo badani ,xitaa runtii sida uu wax u qoraa waad arkeysaa in uu yahey uun aaba hey goblantii hore oon la hayn wax xigmad ah.
Ninkan waxa uu hada qoraalo cay iyo kuwo uu eeg qof qaba xanuunka dhimirka oo kale ku soo qoraa mareegta hadhwanaag oo aadย  moodo in ay beryahan danbe isu rogtay meel dadka lagu caayo laguna faafiyo fikradaha dadka caamamadaย  ah , oo aad moodo in ay dagaal iyo xitan kula jiraan mareegta oodweynenews.
Ninka waxa uu mareegtaasi 10 faqiiqaba ku soo qoraa qoraal ah mid qaba xanuunka dhimirka ama waalida.
Ugu danbeyn waxaa wax lala yaabo ah in dadka caynkaasi ahย  ee aqoonxumadu haysato lagu sheegoย  qo’raa laguna gafaa xaqa aqoonta iyo Edebtaย  uu qo’raalku leeyahey.
Qore:ย  Tahirย  hussein.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker