Xeerkii ay Golaha Wakiilada Somaliland laaleen ee dhanka Enternet-ku , Khilaaf ma ka dhexdhilin karaa Somaliland iyo jabouti

Hargeysa (OWN) ― Waxaa Sabtidii Golaha wakiilada Somaliland ay dib u Eegis ku sameeyeen xeerka is-gaadhsiinta Somaliland, kaasi oo u muuqday mid wadada loogu furayey xadhigii Internet-ka ee dowladda Jabuuti ay rabtay in ay soo mariso Berbera.

 

Golaha ayaa gabi ahaanba laalay kootadii ugu xidhneyd shirkada Somcable keenista xadhiga Internet-ka ee loo yaqaano Fiber Optic.

 

Xukuumada Somaliland ayaa hore heshiis ula gashay Shirkada Somcable, taasi oo keentay in kooto loogu xidho in shirkadaasi keligeed ay Somaliland keento xadhigaasi muddo dhan 25-sanno ah.

 

 

Heshiiskan uu Laalay Goluhu waxa uu wadada u sii xaadhaya xadhigii ay dowladda Jabuuti ugu magac dartay DARRE, kaasi oo ay xukuumada Biixi ay hore si adag uga soo hor timid.

 

Sida ay Oodwaynemedia  ogaatay waxa dib u eegista lagu sameeyay Xeerka Is-gaadhsiinta  uu saamaxaya in shirkad kasta ay gudaha Somaliland keeni karto xadhiga loo yaqaano Fiber Optic, kaasi oo hore ugu xidhnaa hal Shirkad.

 

Waxaana fursadaasi si weyn uga faa’iideysan doona dowlada Jabuuti oo iyadu waday xarig Internet oo imanaya Berbera, isla markaana ay saamiley ka ahaayeen muwaadiniin reer Somaliland ah.

 

Waxa sidoo kale iyaguna fursadaasi laga yaaba inay ka faa’iideystan Shirkadaha is-gaadhsiinta Somaliland, oo iyaguna hore u arkayey in xukuumada Somaliland ay weecisay ganacsigii xorta ahaa.

 

 

Somaliland ayaa hore u sheegtay in sababta u weyn ee xadhiga Jabuuti isku hor-taagtay ay tahay in heshiis sanado badan ah ay la galeen shirkad Gaar Loo Lee yahay .

isla markaana ay shirkad kale ama dowlad kaleba ay gudaha Somaliland keeni karin xadhigaasi ilaa uu waqtiga heshiiskaasi uu dhamaanayo.

 

Heshiiska la La Laalay ee kootada Fiber Optic ayaa sidoo kale muujinaya waji cusub oo Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi  ay U Qaaday dhanka Cadaalada , Waxaana arintan Soo dhaweeyay dhamaan Shirkadaha Bixiya Adeega Internetka  iyo Shacbi waynaha Somaliland .

Balse Waxaan ilaa Imika Wa Hadal ah laga Hayn Hantiilihii Hore Loogu Xidhay Adeegan oo ah Maxamed Siciid Geedi oo Loo Yaqaano ( ina Aw siciid)

 

Waxaana La Saadaalin karaa inay Ganacsade Maxamed AW Siciid iyo isku Dhacaan Madaxwayne Biixi

maadama la aaminsan yahay in uu ahaa shaqsigii lacagta badan ku bixiyey Doorashada Biixi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker