Xildhibaan Reer Yurub ah oo Wacad Ku Maray Inuu Xoojinaaya Olalaha Ictiraaf-raadina Somaliland
Xildhibaan James Carver, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Yurub, ayaa balanqaaday inuu sii wadayo taageeradiisa la xidhiidha sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalamiya.waxaanu sidaasi ka hor caddeeyey shirweyne lagu qabtay Hargeysa 10kii Bishan.
James Carver oo ka tirsan xisbiga UK Independence Party oo shan jeer booqasho ku yimid Somaliland, kana soo jeeda degaanka badhtamaha iyo galbeedka Ingiriiska, ayaa sheegay inay Somaliland ay caalamka u muujisay inay tahay dal dimuqraadiyada oo ku dhex yaalla gobolka Geeska Afrika oo aan xasiloonayn, waxaanu ku dooday inay u qalanto aqoonsi caalamiya.
Xildhibaan James Carver, wuxuu xusay in Shirkii lagu dersayey guulihii iyo caqabadihii Somaliland soo wajahday 27kii sannadood ee ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka socday Maraykanka iyo dalalka Afrika.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay muddadii uu joogay inuu booqday cusbitaalka Edna oo ay ku qaabishay aasaasaha cisbitaalkaas Marwo Edna Aadan oo uu xusay inay dedaal xoog leh u gashay xakamaynta dhimashada hooyadda iyo dhalaanka. Waxa kaloo uu tilmaamay inay juhdi dheer u gashay sidii loo cidhibtiri lahaa gudniinka fircooniga ah.
James Carver