Bulshada S/land Oo Canbaareysay Go,aankii Ka soo Baxay Madaxweyne Muuse Biixi inuu Malaayiin dollar ku dhiso Xarumo kale oo Madaxtooyo ,Guurti Iyo Baarlaman.
Sidaan la wada soconay waxaaTan iyo toddobaadkii dhawaa soo baxayey warar sheegayaa in Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi uu amar ku bixiyey in Dhismayaasha waa-weyn ee Madaxtooyada iyo labadda Aqal ee Baarlamanka dalka loo kala raro meelo uu isaga oo keliya uu Asteeyey iyo hab saami qaybsi ku dhisan oo lagu saleeyey siiba cidhifyada Magaalada Hargeysa siiba Galbeedka, Bariga iyo Koonfurta. Markaa ka dib-na Bulshada S/land waxaa laga dheehanayey gaar ahaan meelaha Baraha Bulshada ee lagu kulmo. Iyadoo badiba dooduhu ay go’aankaasi ku tilmaameen uguna fal-celiyeen diidmo iyo dhaliilo badan oo is-huwan kuna muujiyeen falal qalad ah oo xukuumadda talada haysaa ku dhaqaaqday.
Sidoo kale xubno ka midda dadka iyaguna falan-qeeya Siyaasada Somaliland . Ayaa ku sheegay talabadani mid nasiib-darro ah oo aan wakhtigani haboonayn, iyagoo ku dhaliilay falalkani mid sii kobcinaaya Qabyaaladda iyo in hab reernimo wax lagu saleeyo siiba xarumihii Qaranka ugu muhiimsanaa, si qolo walba loogu qanciyo. waana nasiib darro weyn ayey yidhaahdeen iyo wax la yaab leh in xitaa Maayarkii caasimada oo isna faahfaahin ka siiyey Guurtida Qorshahani Madaxweynaha iyo saami qaybsiga dhismayaasha waaxyihii dowlada ugu muhiimsanaa loo qaybiyey, taasi oo lagu tilmaamay wakhti ay weli shacabka Somaliland ku kala qaybsan tahay doorashadii ugu dambaysay iyo waliba qabyaaladda oo meel sare gaadhay lana filayay in Xukuumadda Muuse Biixi taasi ay xooga saarto sidii loola tacaali lahaa ee umadda loo midayn lahaa.
Dooda labaad Ayaa iyaduna waxay salka ku haysay xaalada waqtigan ee shacabka S/land ku sugan-yihiin iyo go’aankani Madaxweynuhu qaatay oo aan marna looba fadhiyin maadaama ay badka u yaallaan baahiyo fara-badan oo Asaasiya , isla-markaana ay ahayd in uu marka hore wax ka qabto , Ayna kala horeeyaan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wax-ka qabashada dhinaca Waxbarashada dawliga ah oo meeshii ugu liidatay iminka taalla, Adeeggii Caafimaadka ee Bulshada oo badiba maqan sidaa daraadeed , Ayey Bulshadu baahi weyn u qabtay iyo waliba adeegyada kale oo oo aad u muhiima sida Biyo la’aanta baahsan oo ay tusaale Ay inoogu filan tahay Caasimadda Hargeysa oo aad loogu harraadan yahay iyo kobcinta dhinaca dhaqaale ee dalka.
sababahaasi Ayaa keenay dhaliilo badan ka muuqda xukuumada Muuse Biixi siiba go’aankaasi lagu dhisayo dhismayaashaasi oo kharashka badan ku baxaayo, taasi oo ay ugu mudnayd, Ayey yidhaahdeen in Arimaha Bulshada,e marka hore wax lagaga qabto siiba goobo Hooyada ummul arooraysa iyo ilmaheeda Isna Waxbarashada ka sii dhacaaya ee dugsiyadii dawliga ahaana ku dul xidhmeen.
Si kastaba ha noqotee, mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Muuse wax-badan ayaa wadadii saxda ahayd ka leexatay, taasi oo keentay qaladaad Hogamineed u baahan in farta lagu fiiqo. si aan hogaanku inoola hareer-marin halkaynu doonayn. illaa imika lama oga sababta cilmi baadhista ah ee ku kalliftay Madaxweynaha in uu qaato go’aankan gurracan ee aan ka turjumayn wax qabadkii uu ku ballan-qaaday in uu wax ka-qaban doono baahiyaha Asaasiga ah ee dalka yaalla, waxaana is waydiin mudan sababta ay muhiim u noqotay arrintani, Iyada oo dalku ku jiro xaalado qallafsan oo dhinacyada nolosha Bulshada saameyn weyn ku leh.
Ugu danbeyn : Madaxweynaha Waxaan Leeyahay : Marka aad go’aan gaadheyso sii fiican uga feker, siiba saameynta uu hadhow kugu yeelan karo. Lana tasho dadka arimahani kaaga waayo aragsan. sidaa darteed waxaad inta badan ka helaysaa khubardaasi talo wanaagsan oo dhaxal-gal kuu ah. siiba go,aanada saameynta ku leh dhanka dhaqaalaha, talooyinka wanaagsan waxaa hubaal ah inaad ka heli doonto go,aano muhiim ah oo wax ku ool ah iyo tallaabooyin aad Ku Baraneyso Sida Loo Gaadho Go’aanka Saxda ah, ka-dibna aad u caddeyso umadda danta aad go’aanka ka leedahay.