Al-Shabaab oo war kasoo saaray Qaraxii Gaalkacyo ee lagu dilayGuddoomiye Axmed
Gaalkacyo (own) – Xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay magaalada Galkacyo ee lagu dilay gudoomiyahii gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur iyo qaar ka mid ilaaladiisa.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gaalkacyo, gudoomiyaha ayaa kasoo baxay xafiiskiisa waxyar ka hor inta uusan qaraxa haleelin, waxaana lasoo sheegayaa in qasaare aan wali la tirakoobin uu ka dhashay.
Sida lagu qoray warbaahinta Afka Al-Shabaab ku hadasha, waxey sheegteen qaraxii maanta dhacay, waxaana war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamadooda lagu sheegay in qarax ay maanta ka geysteen Gaalkacyo ay ku dhinteen saraakiil ciidan oo Puntland ah iyo gudoomiyahii gobolka Mudug.