Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo Xafiiskiisa kala Baxay Agaasimihii guud ee wasaarada caafimaadka
Muqdisho (OWN) – Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xafiiskiisa lagala baxay Agaasimihii guud ee Wasaaradda Caafimaadka.
Agaasimahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xaashi ayaa waxaa xafiiskiisa ka watay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Ilaa hadda si rasmi ah loo ogo sababta keentay xarigiisa, inkastoo ay jiraan warar aan la hubin oo sheegaya inuu daba socdo xadhigii Loo geystay agaasimihii maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyey musuq maasuq.
Habeen ka hor ayey aheyd markii Ciidamada Dowladda ay guriigiisa kala baxeyn Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buulle, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Agaasimaha la xidhay ayaa lagu soo eedeeyey kiis musuq-maasuq oo lacag badan lagu lunsaday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska hanti-dhowrka iyo kan Ra’iisul wasaare Kheyre, oo codsaday inaan la magacaabin.