“Waxaanu Fulinayna Heshiiskii Habarjeclo Iyo Garxajis Ee Burco…” Boqor Buurmadow

Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo Ka mid ah Madax Dhaqameedka Beelaha Soomaaliland ayaa bayaan uu soo Saaray kaga Hadlay Colaada Deegaanka Ceel Afweyn.

Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa waxa uu ku yidhi sida tan:

Marka hore waxaan tacsi udirayaa dhamaan Dadkii ehelka ahaa ee kudhintay fadhigaab Iyo intii ku dhaawacantay eheladii aykabaxeen Waxaan leeyahay samir iyo iimaan

Runtii waan ladanahay tacsida aniga oo xanuunsanaayey awgeed waxaan cidwalba ucadaynayaa dhamaan beelaha aan odayaashooda nahay waxaa naga go aan ah Arinta fadhigaab inaanu kudhamayno dariiqii Aanu kusoo afjarnay colaadii dabada dheerayd Ee boho iyo idarays mana ogolaan doono CID abaabusha wax colaad ah waxaanu umada soomaaliland ucadaynaynaa inaanu fulindoono

Dhamaan qodobadii shirkii burco ee ay ku heshiiyeen garxajis iyo habarjeclo waxaan Cidwalba ucadaynayaa arintan waxaan kagawakiil ahay dhamaan beelaha biciide.iyo guud ahaanba beelaha habarjeclo
Waxaanu islaqaadanay beesha axmed faarax Biciide maanta lagabilaabo inay latalo tahay Beelaha biciide iyo guud ahaan habarjeclo Waxaan baraha bulshada ku arkaayey Dhalinyaro ukala abtirinaysa beelaha habarjeclo
Arinkaas raaligelin baanu kabixinaynaa Waxaan kale oo aan qurbajooga kuwargelinayaa inaykadheeraadan abaabulka colaada nabadana nagalashaqeeyaan Beelaha soomaaliland waxaanu kuwargelinaynaa dhamaantood inaynagala shaqeeyaan nabadgelyada beelaha walaalaha ah.

Xukuumada waxaanu ugadigaynaa inayku kacdo go aamo dhaawacikara qaranimada iyo wadajirka soomaaliland marwalba waxaanu diyaar unahay wado kasta oo loomaraayo Ilaalinta qaranimada iyo isutanaasulka.

Wabilaahi tawfiiq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker