Madaxweynihi hore ee Mareykanka oo badbaaday isku-day dil oo lagu khaariji rabay,

Madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa ka badbaaday isku-day kale oo lagu khaariji rabay, xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida.
Ciidanka ilaalada qarsoon ayaa sheegay, in ay arkeen nin hubeysan oo isku qarinayay juq u dhaw halka uu golf-ka ku ciyaarayay Trump, kaddibna ay rasaas ku fureen, ka hor inta uusan cararin.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay, in ninka falkan looga shakisanyahay uu goobta uga tagay qori nuuca daran-doorriga u dhaca iyo qalab kale, ka hor inta uusan ku cararin baabuur uu watay. Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in Trump uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

Waa isku-daygi labaad oo lagu dili rabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ay fashilinayaan ciidamada ammaanka muddo 9 todobaad gudahood ah.
Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee dhici doonta 5-ta bisha November ee soo socota, ayaa isna qoraal kooban uu soo saaray ku sheegay, in uu badqabo oo uu wanaagsanyahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker