Dowladda Somaliya oo qorsheynaysa 3,000 Ciidan in lagu wareejiyo ammaanka Muqdisho
Warar soo baxay ayaa sheegaya in dowladda Federalka Somaliya ay qorsheynayso in ciidamo Boolis ah oo gaaraya 3,000 Ciidan lagu wareejiyo ammaanka Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe falal lidi ku ah dhanka ammaanka ay ka dhacayeen.
Ciidamadan Booliska ah ayaa loo qorsheynayaa in loo kala qaybiyo Degmooyinka Gobolka Banaadir si ay u sugaan ammaanka degmooyinkaasi, islamarkaana uga hortagaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka.
Muqdisho ayaa maalmahan dambe waxaa ku soo batay falalka dilalka qorsheysan iyo burcadda dhaca kala duwan ka gaysanaya Magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamo la’aan ay ka dhacday meelaha qaar oo markii hore ciidanka ay joogi jireen.
Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax, ayaa sheegay in wax laga bedelo hanaanka suggidda ammaanka Muqdisho, oo ciidamo la geeyo xaafadaha Magaalada gudaheeda.
Tuulax, ayaa sheegay madaxda marka ay kormeerayaan goobaha ciidanka ay joogaan kaliya ay soo arkaan ciidamo laamiyada jooga, balse muhiimada inay tahay ciidamada xaafadaha dhexdooda inay ka hawlgalaan.
Al Shabaab ayaa badanaa xaafadaha Magaalada Muqdisho waxa ay ka degan yihiin guryo gaar ah, iyaga oo iska dhiga dad shacab ah.